AMISOM oo sheegtay in ay ka qeyb qaadanayaan baarista dilkii Almaas Elman

Published: November 22, 2019

Taliska Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ayaa war uu soo saaray waxa ay ku sheegeen in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ciidanka amaanka ay kala shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii nasiib darrada ahaa ee 20 kii Bishan loo geestay marxuumad, Elmaas Elman Ali, taas oo lagu dhex toogtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Amisom waxay sharaxday sidii ay wax u dhaceen waxay tilmaameen in ay kaalintooda ka gaysan doonaan, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa horay u shaaciyay in ay wadaan baaritaanno ku saabsan dilka Almaas Elman oo ahayd nabad jire caan ah iyo Diplomaasiyad.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *