Duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi oo si rasmi ah u bilowday

Published: November 22, 2019

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in si toos ah loo bilaabay duuliyaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii dhawaan heshiis ay Kenya wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa hoosta ka xariiqay in duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ay faa’iido weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed oo kalhore dhibaato ku qabay marista Wajir ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

“Dhawaanahan waxaad la socotaan in shacabka Soomaaliyeed ay dhib weyn ku qabeen maritaanka magaalada Wajir marka ay u sii socdaan Nairobi, halkoo aad ay dhibaato badan kala kulmi jireen iyo flight ka oo ku dheeraada, diyaaradda marka ay Muqdisho ka kacda 50 daqiiqo ayay u soconeysaa Wajir, halkaas ayaana la joogayaa Wajir, hadana 50 daqiiqo ayay u soconeysaa magaalada Nairobi, markii hore ay tooska ahayd, diyaaradda waxa ay Nairobi u socon jirtay halsaac iyo bar” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista oo hadalkiisa ku daray “Dhawaan markii Madaxweynaha Dalka uu booqasho ku tegay Nairobi waxaa mira dhalkeeda noqday in dhibkaas uu Alle ka qaado Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dib loo bilaabay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kaasi oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho, wixii maanta ka dambeeyana diyaaradaha ka kaca Muqdisho waxa ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya”.

Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa hoosta ka xaqiiray in diyaaradaha ka duula qaar ka mid ah Gobollada dalka aysan si toos ah u tegi doonin garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi, isla markaana ay mari doonaan magaalada Wajir, waxaana uu intaa ku daray in diyaaradaha ka duula Muqdisho ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Tallaabadaan ayaa ah mid wax weyn u tareysa bushada Soomaaliyeed ee daneyneysa inay helaan duulimaad toos ah oo ay ku tegaan Nairobi, halka markii hore ay mari jireen magaalada Wajir.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *