Ra’isul Wasaaraha Isreal oo ku tilmaamay Eedaha Musuqmaasuqa ee loo Haysto afgembi

Published: November 22, 2019

Kadib markii lagu soo eedeeyay eedo musuqmaasuq iyo wax isdabamarin ayaa Ra’isul wasaaraha Isreal Benyamin Netanyahu wuxuu ku tilmaamay eedahaasi afgembi isaga ka dhan ah.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dalkaasi Isreal Avichai Mandelblit ayaa shalay ku dhawaaqay inuu maxkamada u gudbiyay gal dacwadeed lidi ku ahaa Netanyaha, Eedaymaha loo haysto ra’isul wasaaraha  iyo marwadiisa waxaa ka mid ah inuu hadyado qaali ah ka gudoomayay James Packe oo ah Malqabeen u dhashay wadanka Australia oo iyo Arnon Milchan oo ah Filim soo saare ka tirsan Hollywoodka Maraykanka

Waxaa kaloo lagu Haystaa inuu heshiis ka baxsan sifada sharciga ah la galay Ninka Iska leh wargayska  aadka loo akhristo Yedioth Ahronoth si loogu sameeyo dacaayado iyo buunbuunin waxqabadkiisa.

Ra’isul Wasaare Benyamin Netanyo yaa labo jeer ku fashilmay inuu soo dhiso dowlad wadaag ah ka dib markii uu xisbigiisu uu helay 32 cod oo kaliya doorashadii u dambaysay. Markii saddexaad muddo sanad gudihiisa ayaa la filayaa inuu doorasho kale ka dhacdo Isreal.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *