Turkiga Oo Gacanta Ku Dhigay Sarkaal Sare oo Kooxda Daacish ah

Published: November 22, 2019

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ahaa saraakiishii ugu muhiimsanayd Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Sarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Yusuf Huba ayaa kooxda Daacish u qaabilsan samaynta Bambooyinka iyo Tababarka sida loo sameeyo, waxaana laga soo qabtay magaaladda waqooyiga suuriya ku taala Asas

Wasiirka oo la hadlayay wargayska maalin laha ah ee Xoriya waxaa uu sheegay in ninka la qabtay oo magaciisa xarigaga ah uu ku sheegay Abu Jihaydiin Nasar Al Cubaydi loo haysto inuu ka dambeeyay 20 weerar oo daafaha Caalamka ka dhacay, islamarkaana uu ahaa ninka masuulka ka ahaa tababarka dhalinyarada isqarxisa.

Ciidamada maraykanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha ciraaq waxay ku dileen hoggaamiyihii kooxda daacish Baqdaadi bishii hore.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *