DF Oo ayaan darro Ku Tilmaamtay in tashwiish lagu furay qabashada Muxaadarada Sheekh Umal

Published: November 23, 2019

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed ka soo saartay dib-u-dhaca ku yimid muxaadaro la filayay inuu Muqdisho ku qabto Sheekh Maxamed Cabdi Umal, taasi oo ay sheegtay in tashwiish lagu furay.

Wasaaradu waxay sheegtay in dowladda federaalku ay dhexdhexaad u tahay culumada Soomaaliyeed, hase yeeshee waxay bogaadisay doorka Sheekh Ummal iyo Culimadii la socotay ay ka geysteen gargaarka shacabkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelobay Fatahaadihii ka dhacday Gobollada Dalka qaar kamid ah.

 Sheekh Ummal ayaa magaaladda Muqdisho ku qaban muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena Musiibooyinka & sida looga hortgo”  taasi oo dib-u-dhacday dhowr jeer. Qaar ka mid ah culumada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid inuu shiikhu muxaadaro ku qabto Muqdisho, iyagoo ku eedeeyay in Fatwo uu soo saaray oo ay ku dhaqmeen ururka Alsahbaab ay ku dhinteen dad farabadan.

Halkan ka akhriso Warsaxafadeedka

Maanta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 26 Rabiicul Awal 1441 ee taariikhda Hijriyada, isla markaana ku beegan 23 November 2019, Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey soo saartay war Saxaafadeedkan:

1. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ayaa masuul uga ah Dalka Arrimaha Diinta Sida uu qabo Dastuurka JFS, Qodabka 3aad Faqradiisa 1aad.
2. Wasaaraddu waxay cadaynaysaa in ay dexdhaxaad u tahay dhammaan argatiyada kala duwan ee Culumada Soomaaliyeed, waxey-na kulmisaa culimada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

3. Wasaaradda waxey u mahad celineysaa dadaallada Sheeikh Maxamed Cabdi Umal iyo Culimadii la socotay ay ka geysteen gargaarka shacabkii Soomaaliyeed ee ku waxyeelobay Fatahaadihii ka dhacday Gobollada Dalka qaar kamid ah.

4. Wasaaradda waxey sheekha uga mahad celineysaa Khudbaddii uu ka jeediyay Masjidka Isbaheysiga oo si wanaagsan u dhacday.


5. Kadib Markii ay qeyb kamid ah bulshada Soomaaliyeed oo ka codsaday Sheekh Maxamed Cabdi Umal in uu qabto Muxaadaro Guud ayuu sheekha aqbalay, arrintaa oo ay soo dhaweeyeen hay`daha Xukuumadda oo ay wadaaraddu hormuud ka tahay.

5. Waxaa ayaan darra ah in tashwiish lagu furay qabashada Muxaadarada Sheekha oo cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena Musiibooyinka & sida looga hortgo” waxuu Sheekhu soo jeediyey asagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo, Wasaaraddana wey ku waafaqday soo jeedintaas.

6. Sheekha waxuu qaban doonaa inta uu dalka joogo barnaamijyo Wacyigalineed oo ka bixi doono warbaahinta kala duwan ee dalka.


7. Wasaaradda waxay diyaar u tahay in ay Sheekha Maxmed Umal ay ku martiqaadi doonto barnaamijyo wacyigalineed xilliga ku haboon, Isla markaana ay diyaar u tahay soo dhaweynta dhammaan culumada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah wacyigalinta bulshada Soomaliyeed oo xilligan baahi weyn loo qabo.

MAHADSANIDIIN

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *