Iiran: 100 hoggaamiyayaasha Bulshada oo Xabsiga La Dhigay

Published: November 23, 2019

Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa xirxiray 100 qof oo u badan hoggaamiyayaasha bulshada ka dib markii dalkaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo kor u kaca shidaalka iyo maciishada. sida uu xaqiijiyay Gholamhossein Esmaili oo ah afhayeenka waaxda cadaalada ee Iiran.

Ilaa 1000 qof oo banaanbaxayaal ah ayaa sidoo kale la xirxiray ilaa markii ay banaanbaxyadu bilaabeen toddoobadkii hore. sidoo kale saraakiishu waxay xaqiijiyeen in 4 askari iyo 1 qof oo shacaba ay ku dhinteen shaqaaqooyinkaas

Ururka xuquuqul insaanka ee Amnesty ayaa tirada dadka ku dhintay banaanbaxyada ku sheegtay ilaa 106 qof. waxayna ku eedaysay dowladda Iiraan inay cudud xad-dhaaf ah u adeegsaday soo afjarida banaanbaxayaasha.

Wargayska Newyork Times ayaa daabacaya in Cusbitaalada dalkaasi ay la daala dhacayaan dhaawacyada ka dhashay banaanbaxyada ballaaran ee ka socda wadankaasi iyo ciidamada oo adeegsanaya awoodi dheeri ah.

Dhinaca kale, Wasaaradda maaliyada ee Maraykana ayaa cunaqabatayn kus oo rogtay wasiirka isgaarsiinta Iiran Maxamed Javad, taasi oo jawaab u ah Iiraan oo gebi ahaanba damisay isgaarsiinta iyo Internetkii si ay uga hortegto in Mudaharaadyada ka socda wadankeeda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *