Jubaland oo mar kale DFS uga digtay Faragelinta ay ku hayso Maamulkeeda.

Published: November 23, 2019
Maxamuud Sayid Aden Madaxweyne ku xigeenka Jubland.
Source: Google.

Maxamuud Sayid Aadan  Madaxweyne Ku xigeenka Jubaland ayaa mar kale dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso Maamulkooda, Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay qaadatay nidaam federaal ah, isla markaana maamulada degmooyinka ay ku yimaadaan magacaabida dowlad goboleedyada, isagoo xusay in arrintaas ay tahay nidaam dastuuri ah.

“Maamulada degmooyinka waxa weeyaan dowlad Goboleedyada ayaa is ka leh oo soo magacaabaya, waana nidaam dastuuri ah, degmo warbixin siin karta Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ma jirto, haddii ay dhacdana waa Soomaaliya oo Federaalka ka noqotay oo dowlad dhexe noqotay” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in maamulkii dhinac marra Dawlada Goboleedka Jubaland warbixinona la wadaaga DFS in ay xilka ka qaadi doonaan. “Maamulkii shalay aan anaga siinay waajibaadka oo nala shaqeynaya, haddii maanta rabo inuu shaqo ka doonto dowladda Federaalka, mid kale ayaa magacaabeynaa oo deegaanka u shaqeynaya”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka midda Degmooyinka Gobolka Maamulkoodu ay sheegeen in ay si toos ah ugu xiran yihiin dawlada dhexe ee Soomaaliya ayna la shaqayn dooniin maamulka Jubland.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *