18 Qof oo Ku Dhintay Diyaarad Ku Burburtay Bariga Congo

Published: November 24, 2019

Shaqaalaha gargaarka deg deg ah ayaa 18 qof Mayd ah ka soo saaray burburka diyaarad ku dhacday magaalo ku taal bariga wadanka Congo .

Diyaarada burburtay oo ay ahayd nooca rakaabka ayaa markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaala Goma waxay ku dhacday xaafad ku dhow garoonka.

diyaaradan oo ay lahayd shirkadda Busy Bee ayaa ku sii jeeday magaalada Beni ee waqooyiga gobolka Kivu ee jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, waxaana saarnaa diyaarada 16 qof oo rakaab iyo Labo duuliye oo dhammaantood geeriyooday

Midowga yurub ayaa dalalkooda ka mamnuucay inay yimaadaan diyaaradaha rakaabka ee dalkaasi Kongo oo ay sheegeen inay ku badan yihiin shilalka diyaaradaha oo loo aanayno shuruucda hawada oo aan loo hoggaasamin iyo diyaaradaha dalkaasi oo duug ah oo aan la dayactirin

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *