Gudoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay sharcigga doorashooyinka.

Published: November 25, 2019


Guddiga Kumeel gaarka ah ee Baarlamaanka Federaalka u magacaabay diyaarinta sharciga doorashooyinka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal u gudbiyay warbixintii u dambeysay ee ay ka soo diyaariyeen Sharcigii doorashooyinka. Guddigan oo ka koobnaa 15 Xildhibaan ayaa bilihii la soo dhaafay ku howlanaa diyaarinta sharciga doorashooyinka, iyagoo tagay xarumaha maamul goboleedyada, lana kulmayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Guddigan ayaa kulankii u dambeeyay ee diyaarinta sharciga doorashooyinka ku yeeshay magaalada Carta ee dalka Jabuuti waxayna doodo kala duwan ka yeesheen hannaan ay noqon karto doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2020/2021.

Waxaa jirta aragti kala duwaan soo baxaysan oo la xiriirta hanaanka doorasho ee dalka ka dhacaysa iyo sida loo wajahayo, Sharciga doorashooyinka ayaana la filayaa in maalmaha soo socda la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay uga doodaan sharciga, isla markaana loo ansixiyo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *