Shir ku saabsan Horumarinta Maaliyadda Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyey Uganda

Published: November 25, 2019

Shirkan oo looga hadlayey horumarinta Maaliyadda Dalka ,isla markaana ay ka qeybgaleen Wasaaradda Maaliyadda Dowladda dhexe ee dalka  iyo  dowlad goboleedyada iyo maamulka gobalka banaadir ayaa lagu soo gabagabeeyay wadanka Uganda.

Wasiirka wasaarada Maaliyada dowlada gobaleedka Hirshabeelle Cabdishakuur Abuukar Xasan oo La Hadley Radio Muqdisho ayaa Sheegey in shirka looga Hadley Mudadii uu socdey sidii loo mideyn lahaa shuruucda lagu hagayo dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle C/shakuur Abuukar Xasan ayaa sidoo kale waxa u sheegey in Shirkan hirshabeelle ahaaan u muhiimad gaar ah u lahaa ayna muhiim tahey in dhaqaalaha dalka mideyntiisa si mideysan looga wada qeyb qaato.

Wasiir Cabdishakuur Abuukar Xasan ayaa u mahadceliyey mas’uuliyiinta Shirka kasoo wada qeybgashey iyo  madaxda safaaradda magaalada Kampala.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *