Somaliya oo Ku Biirtay Ururka La Dagaalanka Ayaxa Ee Bariga Afrika 28 Sanno Ka dib.

Published: November 25, 2019

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid iyo Agaasimaha Guud ee Ururka Bariga Afrika ee la dagaalanka Ayaxa Dr Stephen W. Njoka ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu kala saxiixday heshiis ay Soomaaliya 28 sano kadib markale dib uga mid noqotay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa , iyadoo ay Soomaaliya iska dhiibtay qaraankii lagu laha mudadii ay ururkan ka maqneyd.

Munaasabadda oo ka dhacday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday Guddiga Beeraha ee Xildhibaanada Golaha Shacabka, Wakiilo ka socday Hay’adda cunada Aduunka ee FAO iyo iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in hada wixii ka dambeeya ay Soomaaliya xaq u yeelaneyso inay hesho adeegyada uu Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa ka qabto dalalka xubnaha ka ah sida ka hortagga musiibadda Ayaxa oo xilligan dhibaato ku haya gobolo badan oo dalkeena ka mida,

Wasiir Saciid Xuseen Ciid ayaa dhinaca kale tilmaamay in Soomaaliya ay waqtigii ugu habooneyd dib ugu biirtay Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo uu tilmaamay inay shaqo wanaagsan dalka ka qaban doonaan.

Agaasimaha Guud ee ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa Dr Stephen W. Njoka ayaa soo dhaweeyay kusoo laabashada ay Soomaaliya dib uga mid noqtay Ururkan, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgali doonaan Soomaaliya si ay gacan uga geystaan goobaha uu hada Ayaxu dhibaatada ku hayo

Sagaal dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa qeyb ka ah Ururka Bariga Afrika ee la dagaallanka Ayaxa oo la aasaasay sanadkii 1962, waana urur la dagaallama cayayaanka gaar ahaan Ayaxa oo hada dhibaato ku haya qaar ka mid ah gobolada dalkeena.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *