Duqa Muqdisho oo kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda

Published: November 26, 2019

Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kormeeray xaafadaha ay saameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda Gudoomiye Cumar waxa uu faray laamaha Dowladda Hoose iyo waaxyaaha gurmadka degdegga ah in ay u istaagaan xal u helidda  dhibaatooyinka bini’aadannimo  ee ay sababeen  roobabka ka da’ay maagalada.

Guddoomiyaha iyo xubno kale oo la socday ayaa kormeeray degmooyinka Boondheere, Shangaani, Xamarweyne, Wadajir, xamar Jajab iyo isgooska nambar afar,isagoo si gaar ah uga qeybgalay samata bixinta qoys uu ku soo dumay gurigoodo.

Guddoomiye Cumar Filish oo dhageystay  xaaladdooda nololeed  ee bulshada degmooyinka uu kormeeray ayaa ka dhawaajiyay sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolku in ay ka shaqeeyaan yareynta xaaladda bini’aadanimo  ee soo food-saartay dadka danyrata ah.

hanka kale, Guddoomiyaha ayaa amray in la dardar geliyo howlaha faya-dhowrka Caasimadda, degdegna ay howlwadeennada Dowladda Hoose uga shaqeeyeen sidii loo furi lahaa marinnada halbowlaha u ah isu socdka bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *