Somaliland oo xirtay rag u dhashay Imaaraadka

Published: November 26, 2019

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay saaka xidhay sagaal nin oo u dhashay waddanka Imaraadka Carabta kuwas oo ay ku eedaysay in si sharcidarro ah uga ugaadhsanaayeen gudaha Somaliland, Raggaan ayaa aroornimadii maanta lagu qabtay garoonka diyaaraha Hargeysa iyagoo doonaya in ay dhoofaan.

Carabtaan ayaa dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka maroodi-jeex markii hore u sheegay in ay mashaariic u fulinayaan balse waxa la ogaaday in ay si sharcidarro ah u ugaadhsanayaan.

Warkan waxa xaqiijiyay agaasimaha Duur joogta ee wasaaradda Deegaanka Naasir Xuseen.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *