Wasiir Sadiiq Warfaa oo la kulmay dhigiisa Talyaaniga

Published: November 26, 2019

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo  Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ku sugan Magalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay dhigiisa dalka Talyaaniga Nunzia Catalfo.

Labada mas’uul oo dalkaasi u tegay ka qeyb-galka shirka weynaha looga hadlayo Daryeelka Bulshada ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo la xiriira Soomaaliya iyo sida dowladda Talyaaniga ay taageero u siin laheyd Soomaaliya.

Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa Xukuumadda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada Soomaaliya , gaar ahaan wada shaqeynta ay la leeyihiin wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *