Raysal Wasaare Khayre iyo Safiirka Maraykanka oo kulmay.

Published: November 27, 2019

Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay Safiirka Dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Amb Donald Yamamoto, Kulanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay hadlay Arrimaha amniga, siyaasadda iyo horumarka.

Amb. Yamamoto ayaa wuxuu sii adkeeyay in hoos-dhigida Al-Shabaab iyo dadaalada xasillinoonida Soomaalida, ay tahay mudnaanta koowaad ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, dadaalada dhinacyada diblomaasiyadda, horumarka iyo difaaca.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Amb. Yamamoto iyo Kooxda Mareykanka ee Somaliya waxay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha, waxay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya, dhanka nabadgelyada, xasilloonida iyo barwaaqada, wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha Caalamka waa furaha dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub oo xooggan”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *