Wasiir Sabriye oo gaaray Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Published: November 27, 2019

Wasiirka Wasaaarada Arimaha Gudaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane  Cabdi Maxamed Sabriye  ayaa Maanta Gaaray Magaalada Dhuusa-Mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug, Wasiir Sabriye oo warbaahinta kula hadlay Garoonka ayaa sheegay in aysan hakan doonin dadaalada loogu jiro dhismaha maamulka Galmudug.

Wasiir Cabdi Sabriye ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono maamulka Galmudug ee howshiisu socoto, Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug ayaa maalin ka hor dhankooda soo bandhigay jadwalka doorashada, waxaana maanta ay ku egtahay waqtiga uu Guddiga doorashada u qabtay inay ku soo xaroodaan Odayaasha dhaqanka Galmudug ee saxiixayaasha ah.

Galmudug ayaa lagu waddaa dhawaan in lasoo xulo xubnaha Baarlamaanka Kuwaas oo dooran doona Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *