WASIIR WARFAA OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIR-WEYNAHA DARYEELKA BULSHADA EE GENEVA

Published: November 27, 2019
Wasiir Sadik Warfa

Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiir Sadik Warfa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay dowladda Federaalka ah ku dooneyso in si isku mid ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed barnaamijka Daryeelka bulshada oo waara.

“Iyadoo aanu taageero ka helayo bah-wadagteenna horumarinta, waxaan bilownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah si aan u hirgalinno Nidaam daryeelka Bulshada oo waafaqsan Xeerka Daryeelka Bulshada ee Qaranka…Marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsanahay in bishii Luulyo 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunku (IMF) ay kulmeen si ay u soo gabagabeeyaan la tashiga qodobka 4aad ee ku saabsan Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaabdhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- afaraad – ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta sare. “

” Xafiiska Ra’iisul wasaaraha (tubtiisa Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha) ayaa horey u muujiyay in maalgashiga waaxaha bulshada, gaar ahaan daryeelka bulshada iyo biyuhu ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran ka dib deyn cafinta.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay dadaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro.

“Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena Daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan Daryeelka bulsho ee waara – waxaanuna ka faa’iideysan doonaa dhammaan kheyraadkayaga oo aanu u adeegsan doono sidii loo hubin lahaa in la gaaro Mabda’a ‘Cidna inaan laga tagin’ iyadoo looga faa’iideynayo inta nugul marka hore.” ayuu ku daray.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyaasha ururro caalami ah,iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *