Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka Puntland oo kulamo la qaatay Bulshada Degmada Waaciye.

Published: November 28, 2019

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka Puntland Mohamed Abdirizak Hantiile ayaa casho sharaf u sameeyay Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo Masuuliyiinta Degmada Waaciye, Agaasime Maxamed ayaa kulankaan ugga gol lahaa sidii ay isu xogwaraysan lahaayeen masuuliyiinta Degmada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Maamulka, Odayaasha iyo Bulshada ayaa Agaasimaha la wadaagay Baahiyaha jirra, Qorshaha dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Waaciye oo lagu waddo in la dhiso 4Dec, horumarada socda iyo kaalinta ay dawlada ka filayaan.

Agaasimaha ayaa ugu danbayn bulshada ku booriyay in ay la shaqeeyaan dawlada, qaybna ka noqdaan horumarka socda, lagu dadaalo la shaqayn maamulka degmada iyo ka qaybqaadasha horumarinta Adeegyada Bulshada, waxa uuna sheegay in dawladu ay kaalinteeda ka qaadan doonto wixii kusoo aadda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *