Gen. Yussuf Axmed Kheyr oo London ku geeriyooday

Published: November 28, 2019

Rabbi ha u naxariistee waxaa habeenimadii xalay ee Khamiistu soo galaysey ku geeriyoodey Isbitaal ku yaala magaalada London ee UK Gen Yussuf Axmed Musse.

Gen. Yussuf Axmed Kheyr waxa uu kamid ahaa saraakiishii Booliska Soomaaliya ugu horeeyey ee wax ku soo bartey dalka Talyaaniga qiyaastii 1966, Waxa uu Booliska ka soo qabtey shaqooyin kala duwan, kadib waxa uu muddo ka soo shaqeeyey bangigii ganacsiga ee Soomaaliya.

Rabbi ha u naxariistee Gen Yusuf Axmed Kheyr waxa uu kamid ahaa asáaasayaashii Puntland, waxaana uu ka soo qabtey xilil kala duwan sida Taliyaha ciidanka Booliska Puntland iyo Wasiirkii Amniga.

Gen Yusuf waxa uu ifka uga tegey Dad kor u dhaafaya 20 qof iyo Xaaskiisa Xaawo Cabdulle Siciid.

Bahda Horseed Media waxay tacsi u direysaa dhamaan qoyska Reer Axmed Kheyr.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *