Jabuuti oo ka hadashay arimo muhiim ah!

Published: November 28, 2019

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay xilliga kama dambeysta ah ee ay ku dhawaaqeyso ololaheeda ay ku dooneyso kursiga aan joogta ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Jabuuti ayey ku sheegtay in iyada oo cuskaneysa xeerarka Midowga Afrika ay han sare ka leedahay kursiga Golaha amaanka ee mudda xileedkiisu yahay 2021 ilaa 2022.

Howlgalka Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 5ta Bisha December ay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan musharraxnimadooda iyaga oo caalamka ka codsaday in lagu taageero kursiga oo uu tartan adag kala dhaxeeyo dowladda Kenya.

Jabuuti ayaa sheegtay in khibradaha ay ka heysato Ururrada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay dhaam xubin ka tahay wax badan uga tari doono xaaladaha ku gedaaman caalamka.

Howlaha ay soo qabatay Jabuuti ee ku jira war-saxaafadeedka waxaa ka mid ah dadaalladeeda nabad dhlinta SOomaaliya sida howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee laba jeer ka dhacay Dalkaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *