Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka UK oo Nairobi ku kulmay.

Published: November 28, 2019

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo ma safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya mudane Benfender ayaa Magaalada Nairobi kuwada yeeshay Kulan gaar ah.

Kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wadada hadleen xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo.

Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadley dhaqdhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ay Dowlada federaalku ka wado gobolka Gedo, taas oo la isla qirey inay tahay faragelin qaawan oo aan sal iyo raad kulaheyn dastuurka dalka cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadeyso DFS.

Ugu danbeyn safiirka dalka Ingiriiska ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey sida Madaxweynuhu muhiimada gaarka ah u siiyey adkeynta amniga iyo la dagaalanka argagixisada ee deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *