Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Safiirka Dalka Norway.

Published: November 29, 2019
Madaxweynaha Jubaland iyo Masuuliyiinta Safaarada Norway

Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimada Dalka Kenya ayaa la kulmay Safriika Dalka Norway u qaabilsan Dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles Mr Mette Knudsen.

Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka ayaa k wada-hadlay Doorashooyinka Soomaaliya la filayo in ay ka dhacaan 2020/2021 Xalada Guud ee Soomaaliya si gaar ah tan Jubaland waxay ka wada hadleen khilaafka DFS iyo Maaamulka Jubaland u dhaxeeya.

Marwo Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, taas oo ay sheegtey in Madaxweyne Axmed uu u yahay udub dhexaad loona baahanyahay markasta aragtidiisa amni iyo tan siyaasadeedba.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay safiirka Denmark ee dalka Soomaaliya in loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara DFS iyo Dowlad goboleedyada dalka kahor doorashooyinka dalka laga qorsheynayo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *