Somaliland oo Ku Taamaysa in 30% Baddeecadaha Kontiinarrada Itoobiya ka Soo Degaan Berbera

Published: November 29, 2019

Wargeyska Capital oo ka soo baxa Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya oo waraysi la yeeshay Maareeyaha dekeda Berbera ee Somaliland Siciid Cabdilaahi ayaa u xaqiijiyey Wargeyskas in casriyeynta marsadda Berbera la dhammaystiri doono Bisha October 2021ka.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay rajaynayso in Boqolkiiba Soddon Shixnadaha Kontiinarrada Itoobiya ay ka soo degaan dekedda Bebera, iyadoo uu kala badh wejigii hore ee casriyeynta dekeddu dhammaatay.

Wargayska Capital wuxuu u sheegay in dhismaha  jidka Berbera Corridor oo dhererkiisu yahay 250km oo isku xiraya Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale ay wada galeen Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana  uu jidkaasi wax ka tarayo sidii Itoobiya ay u isticmaali laheyd dekedda Berbera.

Jidka Berbera Cooridor oo lagu wado inuu dhammaado Bisha May ee sannadka fooda innagu soo haya, waxa Guddi wadajir ah oo ka kooban Somaliland iyo Itoobiya ay wadajir uga wada shaqeynayaan arrimaha kastamada iyo cashuuraha.

Sidoo kalena, Maareeyaha Dekeduhu wuxuu sheegay in fulinta qorshaha casriyeynta iyo ballaadhinta marsadda Berbera ay u socoto sidii loogu talogalay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *