Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ma saameynayo go’aankii Turkiga ee Socdaalka.

Published: November 30, 2019

Safiirka Soomaailya u fadhiya Dalka Turkiga ayaa sheegay inuusan wax saamayn ah ku yeelan doonin Muwaaddiniinta Soomaaliyeed go’aankii dhowaan ay soo saartay Dowladda Turkiga ee ahaa inaan sharciga Dal ku joogga la siin doonin ama Ikhaamada Dadka dalxiiska ku gala Turkiga.

Danjire Cabdullaahi Jaamac Maxamed (Ceydiid), oo war qoraalka soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in uu la kulmay madaxa hay’adda socdaalka Turkiga, isla markaana uu u caddeeyay in Soomaalidu aysan ka mid ahayn Dadka loo diidayo Dal ku joogga.

Ambassador; Cabdullaahi Jaamac (Ceydiid), ayaa sheegay in madaxa hay’adda socdaalka ee Turkiga uu kala hadlay sidii Visaha ama Dal ku galka loogu fududeyn lahaa wakhtigana loogu kordhin lahaa Dadka caafimaadka u yimaadda Dalkaas.

“Sannadkan 2019 in ka badan 11 kun oo Soomaali ah ayaa dalbatay Dal ku galka Turkiga (Visa), waxaana la siiyay in ka badan 7 kun oo Soomaalida wata Baasaboorka Soomaaliga” ayuu yiri Ambassador Ceydiid.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr Dal oo uu xiriir gaar ah kala dhexeeyo Dalka Turkiga, kuwaas oo ay Muwaaddiniintoodu ku galaan si fudud, iyagoo aan wax culays ah kala kulmin sharciga Dal ku joogga ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *