Puntland oo Heshiis La Gashay Shirkadda Dhinaca Amniga Ka Shaqaysa

Published: November 30, 2019

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo Shirkadda dhinaca amniga ka shaqaysaa oo lagu magacaabo Frontier Service Group ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo lagu horumarinaayo garoonka diyaaradaha Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir.

Munaasabadii lagu saxiixay heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, masuuliyiin ka socda Shirkadda Frontier Service Group, Isimo, siyaasiyiin, nabadoono, waxgarad, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gibiley) iyo Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Africa Dr. Hu Ping ayaa kala saxiixday heshiiska

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Luga-toor waxaa uu sheegay in heshiiskan uu Garoonka diyaaradaha Garoowe ka dhigayo garoonka ugu dheer ee ugu casrisan Soomaaliya dhammaanteed.

Wuxuu sheegay in garoonka shaqadiisu ay ka koobnaan doonto sadex weji. Wejiga koowaad waxaa laga dhigidoonaa 4KM iyadoo lagu daridoono 1.6km, waxaa la dhisidoonaa Terminal weyn oo casri ah, VIP, Terminal Cargo casri ah, qaybta dabdemiska iyo dhammaan adeegyadii garoonku u baahnaa oo casri ah. Wasiirka ayaa sheegay in beriba ay bilaabidoonaan shaqo labada bilood ee soo socota si xidhiidh ah u socondoonta.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay munaasibadda ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xafladda lagu kala saxiixday heshiiskan is af-garad ee lagu horumarindoono Garoonka diyaaradaha Garoowe.

“ Waxaan filaynaa Garoonku inuu noqdo garoomada diyaaradaha Bariga Africa ugu horumarsan, Shirkadda Frontier Service Group aad iyo aad baan ugu mahadcelinaynaa waxaan ku rajaweynahay inay ka dhabayndoonaan waxa ay balanqaadeen. Sidoo kale waxaan rajaynaynaa mashariicda kale ee shirkadaha Shiinuhu ay gacanta ku hayaan in dhakhso loo dardargeliyo”.

Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Africa Dr. Hu Ping ayaa isna ú hadlayey shirkadda ayaa faahfaafin ka bixiyey heshiiskan ku qotoma balaadhinta iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha Garoowe.

“Saxiixa Heshiiskan Is-afgarad waa bilow wanaagsan, Ujeedkeenu waa inaan kordhino faa’iidada ganacsi ee Airport-kan u leeyahay Puntland iyo Soomaaliyaba. Dal aan laheyn Wadooyin waa weyn iyo Garoomo Diyaaradeed ma yeelan karo kaabayaal dhaqaale, sida horumarinta ganacsiga, u adeegida ganacsatada iyo dadweynaha labadaba” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay

“Taasi waa sababta aan wejiga koowaad qorshahan hormarinta iyo maalgashiga ugu bilaabeyno in garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir loo sameeyo goobtii ay adeegsan lahaayeen Diyaaradaha Xamuulka ah. Waayo kordhinta tirada Rikaabka ka dhoofaya Garoonka iyo Xamuulka la qaadayo, waxay door muhim ah ka qaadan doonaan in uu kordho dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan kan Gobolka oo dhan”

Shirkadda Shirkadda Frontier Services Group waxaa asaasay oo hoggaamiya  Erik Prince oo hore u asaasay shirkadii fadeexada ballaaran kaga dhacday dalka Ciraaq Black Water, waxaa kaloo uu ahaa ninkii Imaraadka uga masuulka ahaa mashruucii Sarecen ee lagu dhisay ciidamadda badda Puntland ee PMPF.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *