Sheekh Ummal oo ka hadlay Cidii ka danbaysay in la baajiyo Muxaadaradiisii Muqdsiho.

Published: November 30, 2019
Sheekh Ummal.

Sheekh Maxamed Cabdi Ummal ayaa si faahfaahsan u sharaxay sababata loo baajiyay muxaadaradii uu ku qaban lahaa Magaalada Muqdisho, taas oo markii danbe uu go’aansaday in la joojiyo ka dib markii ay mudaharaad kala hor yimaadeen Culimadda Suufiyadda.

” Soomaali Shiicawday, Qolyo mawjadii kacdaba Fuusha oo kursi ka dhex raadiya, Haddana Alshabaab iyo Suufiyo isu yimaadeen, oo kuligood dagaal ku hayaan calashaan muxadaraasi yaysan dhicin, maxaa ka dhaxeeya bal adiggu is waydii? wax kale oo ay isuggu yimaadaan ma jirto.

Sheek Ummal oo si dadban ugu jawaabay Siyaasiyiin ka falceliayy muxaadariisa ayaa sheeegay in uu ka xun yahay in wax aysan wax ka ogayn ay soo dhex-galaan ” Qaar badan oo siyaasiyiin ah soo maydaan arag, oo dagaalka qayb ka ah, wa siyaasiyoow muxaadaro la dhigayyo maxaa ka galay, waxaas oo dhan baa yacni isu kaashanaya barnaamijka halaga taggo”

Gabagabadii Sheekh Ummal ayaaka sheekeeyay dhibaatada baraha bulshadu keeneen, Dadka badan ee Soomaaliyeed ee sida qaldan wixii lasoo geliyo u qaata,waxa uu tusalayaal usoo qaatay dhawr waxyoobood oo dhacay mudadii uu joogay Magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *