Xaawo Aaden oo la gudoonsiiyay Biladda Macalinka Sanadka.

Published: November 30, 2019
Xaawo Aden oo la gudoonsiiyay Biladda Macalinka Sanadka.

Xaawo Aden Maxamed Madaxa xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD) ayaa ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Macallinka sannadka 2019ka, oo uu bixiyo telefishinka afka Ingiriiska ku baxa ee laga leeyahay dalka Turkiga ee TRT World Citizen. Abaalmarintaan ayaa la sheegay in ay ku mutaysatay 20 sanno in ka badan oo ay ka shaqeynaysay waxbarista Gababdhaha Soomaaliyeed, Dadka laga tirada badanyahay, iyo Barakacayaasha.

Mrs. Xaawo Aden oo aas’aastay xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD), ayaa ilaa sannadkii 1995, waxay ka shaqaynaysay waxbarashada gabdhaha, daryeelka gabdhaha loo geystay gacan hadalka iyo gudniinka fircooniga ah.

Xaawo ayaa markii lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay biladda caalamiga ah, waxay sheegtay inay aad ugu faraxsantahay, isla markaana ay la qeyb sanayso dadka la shaqeeya.

Waxaa ay horey ugu guuleysatay bilada Nansen, oo ay bixiso hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR iyo biladdo kale oo ay ku heshay shaqooyinka badan ee ay u qabatay bulshada. Biladda Nansen Refugee Award ayaa ah biladaha ugu muhiimsan ee ay bixiso  Qaramada Midoobay.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *