Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Aids-Ka Adduunka

Published: December 1, 2019

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Garoowe kaga qayb galay xuska maalinta Aids-ka Adduunka oo ku beegan December, 01 sanad walba, waxaana laga xusaa maalintani adduunka oo dhan.

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay xuska maalintani Masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda PAC, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, shacabka caasimadda Garoowe, hay’addaha ka shaqeeya wacyi-gelinta Bulshada, waxgarad iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xuska maalintani, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladdu soo saaridoonto xeerka xanuunkani, waxaana uu Kabtan Bashiir Cismaan Cawad oo kamid ah ciidanka Booliska Puntland, lana nool xanuunkani u dalacsiiyey Gaashaanle.

“Maanta waa maalin weyn, waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb-galo, micnaha in la weyneeyo maalintani waa in cid kasta oo la nool lasiiyo mooral, Isla markaana is daaweeyaan, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo soo qaban qaabisay, waxaan u mahadcelinayaa taliye Bashiir oo bulshadiisa wacyi-geliyey, qabtayna shaqadii hay’addaha u xilsaaraa arrintan, cudurka Alle ayaa keena si uun buuna ku yimaadaa, waxaa ceeb ah in la faquuqo walaalaheen, waa in la fahansiiyaa in cudurkani yahay wax sahlan oo la daawayn-karo”.

“Waxaan maqlijirey berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas. Waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuqsameeya inaan u aqoonsandoono inuu yahay Dambiile go’aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan. Waxaan farayaa Hay’adda PAC inay caawiyaan qofkasta oo aan awoodin daawada inuu qaato, waxaan dhowaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqidoona xanuunkan. Waxaan faraya cid kasta oo shaqo kuleh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunka. Waxaan hortiina ka cadaynayaa in Kabtan Bashiir Cismaan Cawed aan u dalacsiinay GAASHAANLE, wuxuu ku mutaystay kartidiisa iyo bulshadiisa oo uu wacyi-geliyey” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *