PUNTLAND OO DALACSIISEY SARKAAL LA NOOL CUDURKA HIV/AIDS

Published: December 1, 2019

Maadaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa dalacsiiyay Bashiir Cismaan Cawa oo ah Taliyaha Kaantaroolka Galbeed ee Magaalada Garoowe, sidoo kalena ka mid ah dadka la nool cudurka HIV, Bashiir ayaa loo dalacsiiyy darajad Gaashaanle, dalacsiinta bashiir ayaa lagu beegay maanta oo ku beegan maalinta duni laga xuso caabuqa HIV/AIDS ee 1-da December.

Gaashaanle Bashiir ayaa dadka ka mid ah dadka dhiirigeliya in ay noloshooda ka quusan dadka qabba HCudurka HIV, sidoo kale bulshada ayuu ka wacyigeliyaa in aa la tagoorin.

Madaxweyne ku xiggeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa isla maanta oo ku beega xuska maalinka HIV/AIDS laga xuso dunidda la kulmay Gaashaanle Bashiir.

Digreetada lagu dalacsiiyay ayaa sidaan u qornayd.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

  1. Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *