Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka Puntland oo la kulamy Maamulka Gobolka Karkaar.

Published: December 2, 2019

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dawladda Puntland Maxamed Cabdirisaaq Nuux oo ku suggan Magaalada Qardho ayaa la kulmay Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye iyo labada Gudoomiye ku xigeen ee Gobolka Karkaar.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Gobolka Karkaar ayaa daarana is-xog waraysi la xiriira xaalada guud ee GobolkaKarkaar, Shaqooyinka ka socda iyo Hawlaha ay Wasaarada Haweenka Puntland ka waddo guud Ahaan Gobolka Karkaar.

Agaasime Maxamed Cabdirisaaq ayaa maamulka la wadaagay shaqooyinka ay waddo Wasaarada, Halka ay marayaan hawlaha la xiriira horumarinta haweenka iy qoysaska Puntland iyo Guud ahaa shaqada ay wasaarada ka waddo degmooyinka Gobolka Karkaar.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska uga mahadceliyay booqasha uu manta ugu yimid, waxa uuna sheegay in dhamaan shaqooyinka ay wasaaradu ka wado gobolka meel fiican maraayan uuna rajaynayo in wasaaradu ay sii dardargeliso.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *