Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay Gudomiyayaal Degmo.

Published: December 2, 2019

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)  ayuu ku magcaabay Gudoomiyayaal degmo oo cusub, Degmooyinka loo magacabay masuuliyiinta cusub ayaa kala ah Shangaani iyo Waaberi, Sidoo kale waxaa la magacaabay gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada Degmada Wadajir.

Aweys Sheekh Maxamed Amiin ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Shangaani Halka Cabdulcasiis Cismaan Jaamac loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Waberi, sidoo kale Axmed Maxamuud Diiriye ayaa loo magacabay ku xigeenka Arimaha Bulshada Degmada Wadajir.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *