Jubaland oo ka hadashay duqayn ka dhacday Degmada Jilib.

Published: December 2, 2019
Calanka Jubaland

Dawlada Goboleedka Jubaland ayaa ka hadlay duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe, iyadoo duqeyntaas aheyd mid bartilmaameed ah oo ay fulinaysay Dawlada Mareykanka.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo wariyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in gantaal lala dhacay gaariga uu saarnaa sarkaalka, inkastoo aanu magaciisa sheegin.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war soo saaray waxaa uu ku sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jilib 30-ka bishii hore ee November, waxaana Taliska sheegay inay qiimeyn ku hayaan duqeyntaas oo aanay si rasmi ah u sheegin cida lala bartilmaameedsaday, hase ahaatee waxa ay tilmaameen in aanay jirin wax khasaare ah oo duqeyntaas ka soo gaaray dad rayid, bale bartilmaameedka uu ahaa Al-Shabaab.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *