Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo lagu xiray Magaalada Boosaaso.

Published: December 2, 2019

Ciidamada Amaanka ayaa shalay duhurnimadii Magaalada Boosaaso ku xiray siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah aasasayaasha Puntland, Muuse ayaa dhawaan ka soo muuqday shir ay qaar ka mid ah odayaasha Magaalada Boosaaso ku dhaliilayeen mashaariicda ay dawlada Imaaraatku ka wado Magaalada Boosaaso, sida maamulida dekedda Boosaaso.

Ciidamada ayaan weli faahfaahin sababta loo xiray siyaasi Muuse Cali Jaamaca, sidoo kale waxaa la sheegayaa in dawladu ay xirxirtay qaar ka mid ah odayaashii iyagunna shirka ka hadlay inkastoo aysan Horseed Media weli si madax-banaan u xaqiijin.

13 October ee sannadkan ayaa sidaan oo kale  Boosaaso loogu xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac, kadib markii isaga iyo odayaal kale dhaliilo u jeediyeen xukuumadda Puntland, balse saddex maalmood kadib 16 October ayaa la sheegay in lagu sii daayay cafis-maxkamadeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *