Ciidanka PSF Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya Inay Ka Baxeen Saldhigyadoodii Galgala

Published: December 3, 2019

Ciidamada xooga Puntland ee PSF ayaa sheegay inay ku sugan yihiin talisyadoodii iyo saldhigyadoodii Buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Qoraal ay soo dhigeen bartooda facebooga ayay ku sheegeen inay ciidamadoodu ku sugan yihiin fariisamhoodii difaaca ee #Galgala, Sugure, Bosaso, Garowe iyo Gaalkacyo si ay cadowga uga ilaaliyaan dadkooda iyo dalkooda.

“iidanka PSF wuxuu had iyo jeer diyaar u yahay la dagaalka kooxaha cadowga ee Al Shabaab iyo Daacish,waanan sii wadi doonnaa dagaallanka cadowga bartilmaameedsanaya shacabkeena #Soomaaliyeed.” Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka PSF

https://www.facebook.com/PSFHQ252/posts/716843632143378

Maalmihii u dambeeyay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood lagu baahiyay in ciidamo ka tirsan PSF ay ka soo baxeen Saldhgiyadoodii buuraha Galgala.

Ciidamada PSF oo lasaasay 15 sanno ka hor ayaa dhulka buuralayda kula dagaalama ururada Alshabaab iyo Daacish.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *