Wafdi ka Socda Dawladda Finland Oo Baydhabo Tegay

Published: December 3, 2019

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa maanta Xafiiskiisa uu Ku qaabiley Wafdi Ka Socdey Safaaradda Finland ee Soomaaliya.

Wafdigaasi ayaa Waxaa qeyb ka ahaa Masuuliyiin ka socday Wasaaradda arrimaha Dibada Finland iyo Xubno ka socdey Hay’adda FCA oo inta badan Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ka Taageerta Dhinac waxbarshada,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa masuuliyiinta Uga warbixiyey Xaaladda guud ee Koonfur galbeed, Waxaana uu Ka codsadey Madaxweynaha In ay sii laba jibaaraan dadaalada ay ka wadaan Koonfur galbeed.

Madaxda ka socotay Dawladda Finland ayaa Waxaa ay balan qaadeen in Koonfur galbeed Soomaaliya Ay Tix-gelin gaar ah siin doonaan Baahiyaha ka jira Guud ahaan Deegaanada Maamulkaasi.

Kulanka oo in Muddo ah Qaatay ayaa Waxaa Warbaahinta Uga warbixiyey Waxyaabihii looga wada hadley Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha \Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *