Caruur ku geeriyootay deegaanka Caato ee gobolka Bakool

Published: December 4, 2019

Ilaa 7-da caruur ah ayaa la sheegayaa in cuddurka shuban biyoodka uga dhinteen deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool mudo 48 saacadood gudohood ah.

Waxaa geerida  7-da caruurta ah inoo xaqiijiyey Guddoomiyaha deegaanka Caato Dubad Xasan Cali oo wareysi dhanka khadka telefoonka ah layeelanay isagoo ku sugan deegaanka Caato ee gobolka Bakool oo dhibaatadu ka dhacday.

Dhinaca kale kusimaha Guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuna baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha Samafalka.

Deegaanada qaarkood oo shuban biyoodku ka dilaacay ayaa lasoo sheegayaa in xaalada dadka aad u liidato ka hortaguna uu waad u yar yahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *