Muqdisho: Nin Fulin lahaa Weerar Bambo Gacmeed Oo La qabtay

Published: December 4, 2019

Hay’adda nabad sugida dowladda federaalka ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen nin doonayay inuu gaysto weerar bambo gacmeed ah.

Qoraal ay soo dhigeen bartooda twitterka ayay ku sheegeen inay ka hortagaan weerar uu gaysan lahaa ninkan oo ay xuseen inuu ka tirsan yahay ururka Alshabaab. Sidoo kale waxay bartooda soo dhigeen sawirka ninka la tuhunsan yahay iyo bambo gacmeedka uu watay, sida ay sheegeen

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh”

Hay’adda NISA ma sheegin magaca ninka weerarka fulin lahaa iyo halka uu doonayay inuu ka fuliyo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *