Wasiirka Sadiiq Warfaa oo la kulmay gudigga shaqaalaha Rayidka DFS.

Published: December 5, 2019

Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kormeeray xarunta gudigga shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya, Gudigga ayaa xaruntooda wasiirka kusoo dhaweeyay waxayna uga warbixiyeen sida ay u socota shaqada guddiggu ay hayaan, guulaha ay gaareen iyo caqabadaha jirra.

Gudoomiye ku xigeenka gudiggu Cali Muumin Muudeey ayaa wasiirka ku bogaadiyay dadaalada u waddo ee la xiriira shaqo abuurka iyo hubinta tayada shaqaalaha dawlada. “Halka arrin aan doonayo cid walba inay oggaato ayaa ah in wasiir Sadiiq ay ka go’antahay si isku mid ah inuu ugu adeeggo guddiga iyo wasaaradda, maaddama uu labadaba wasiir u yahay.” ayuu yiri guddoomiye Muudey.

Wasiir Sadik Warfaa ayaa dhankiisa gudigga uga mahadceliyay shaqada adag ee ay ulshada u hayso “Guddiga howlo muhiim ah ayuu dalka u haya , waxaana hadda qaadayaa talloobooyin aan ku dooneyno in lagu horumariyo guddiga.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo inta ku daray in toddobaadkii maalmo ka mid ah uu ku dhex shaqeyn doono xarunta guddiga.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *