Dooni Kalluumaysi oo Ku Degtay Xeebaha Puntland

Published: December 6, 2019

Doon Kalluumaysi oo Laga Leeyahay Dalka Yemen oo ay saarnaayeen 12 Shaqaale ah ayaa ku degtay xeebaaha gobolka Gardafuu ee Puntland sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka Dekedaha iyo gaadiidka badda Yaasiin Cartan Maxamed .

wuxuu sheegay in 11 badmaaxe laga soo badbaadiyay 11 doonida halka hal qofna weli la laayahay. Shaqaalaha la soo badbaadiyay ayaa lagu hayo degamada Caluuula ee xarunta Gobolka Garadafuu

Wasiirku wuxuu sheegay in roobab mahiigan ah oo dabaylo wata kuwasoo ka da’ayay xeebaha Puntland ay sababeen in doonidu degto, waxaa kaloo uu Sheegay In ay Jiraan Gaaadiid kale oo ku Waxyeeloobeen roobabka

Wasiir Ku Xigeenka, wuxuu ugu baaqay gadiidlayda bada iyo Kalluumaystada inay hakiyaan safarada iyo kalluumaysiga, isagoo ka digay Dabaylo iyo roobab xoog leh oo ka da’ya xeebaha Puntland.

Dhinaca kale, shacab Isxilqaamay ayaa isku dayaya inay hagaajiyaan wadooyinkii roobabku burburiyeen ee gobolka Gardafuu, gaar ahaan wadada lafagurayo oo roobab bishii hore ka da’ay gobolkaasi ay waxyeelo xoog leh gaarsiiyeen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *