Kenya: Guddoomiye Dhunsaday 357 Milyan Oo Xabsiga La Dhigay

Published: December 6, 2019

Ciidanka Booliiska Kenya oo fulinaya amar ka soo baxay dacwad oogaha guud ee Kenya ayaa xabsiga dhigay guddoomiyaha Koontiga Nairobi Mike Sonko kaasi oo loo haysto inuu dhunsaday lacag Malaayiin ah.

Guddoomiyaha ayaa Booliisku ka soo qabteen magaaladda Voi, isagoo markaasi ku sii jeeday Magaaladda dekeda ee Mombasa, Booliisku waxay sheegeen inuu doonayay inuu baxsado.

Waxaa loo haystaa inuu dhunsaday lacag dhan Sh357 Milyan oo loogu talagalay Degaanka Nairobi. Dacwad oogaha Guud ee Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa sheegay in hayo cadaymo ku filan oo maxkamadu lagu keeni doono Guddoomiyaha.

Dhinaca kale, Hay’adda ka hortega musuqmaasuqa ayaa xaqiijisay in Xabsiga la dhigay guddoomiyaha iyagoo sheegay inuu doonayay inuu ka baxsado Cadaaladda sida ay ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen bartooda twitterka.

Dacwad oogaha Guud wuxu kaloo amar ku bixiyay in la soo xiro saraakiil sare sare oo ka tirsan Koontiga Nairobi, kuwasoo loo haysto inay musuqmaasuqeen hantidii ummadda ee loo dhiibay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *