UN: 280 Qof Ayaa ku Geeriyooday Roobabkii ka da’ay Bariga Afrika

Published: December 6, 2019

Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shalayto shaacisay QM.

Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada QM ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka.

Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya.

Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a  Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *