Baarlamanka Puntland oo asxiyay xeerka Hay'ada Forensic Science.

Published: December 8, 2019
sawirka Baarlamanka Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay cod aqlabiyad ah goor-dhaweyd ku ansixiyey Hindise xeereedka Hay’adda Forensic Science-ka Puntland ay ku shaqayn doonto.

Hindse Xeereedka Hay’adda ayaa dhigaya in iyadoo adeegsanaysa Cilmiga Sayniska baadho kiisaska Hiddaha sida DNA-ga iyo waxyaabaha lagu ogaan karo baadhitaanno loo adeegsaday Seyniska.

33 mudane ayaa oggolaatay ansixinta xeerkan oo ka kooban 36 qodob, halka 3 mudane ay ka aamuseen cid diidayna ma aysan jirin xildhibaanada kulanka Fadhiyay. Kiiskii ugu horreeyey ee hay’addani baadho, wuxuu ahaa kufsigii Caaisha-yar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *