Galmudug – Shacab lagu rasaaseeyay Gaalkacyo

Published: December 8, 2019
Gaalkayo

Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubaysan ay saqdii-dhexe ee xalay dad shacab ah ku rasaaseeyeen deegaan lagu magacaabo Dagaari oo dhaca Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 Inta la xaqiijiyey hal ruux ayaa geeriyooday halka Seddax kalena ay dhaawacmeen, kadib markii dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dadkaas.

Gaariga ayaa ka baxay deegaanka Galinsoor waxuuna ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay goobta iskaga baxsadeen kooxdii falkaas ka dambeysay.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaallada magaalada Gaalkacyo, waxaana deegaanka Dagaari oo falkani uu ka dhacay goor dhaw gaaray ciidamo booliska Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan, waxayna ciidamadu deegaankaas iyo nawaaxigiisa ka wadaan baadi goobka kooxihii falkaas ka danbeeyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *