Nairobi – Cabdiraxmaan Cirro oo dacwad u gudbiyay Maraykanka

Published: December 8, 2019

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Cirro ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka mid ah Beesha Caalamka oo uu kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cirro ayaa wakiillada Midowga Yurub iyo danjire ku xigeenka Mareykanka kula kulmay Nairobi,waxaana uu u sheegay in Muuse Biixi Cabdi uu doonayo dagaal sokeeye oo ay Somaliland dib ugu laabto.

“Muuse waxaa uu doonayaa in uu gaaro ahdaaf uusan ku gaarin dagaalkii sokeeye ee sanadkii 1994tii,taas waxaa ay ka soo horjeeddaa rabitaanka dadka Somaliland” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Wakiillada Beesha Caalamka ee uu la kulmay Cirro ayaa shaaciyay in 18ka Bishan December ay ergo ka socota tagayaan Hargeysa muddo Laba maalmood ahna ku sugnaanayaan halkaas si ay u qiimeeyaan xaaladda Somaliland.

Muuse Biixi ayaa dhawaan Golayaasha Guurtida iyo Wakiillada u sheegay in ay sameystaan muddo kororsi si isaga uu waqti kororsi u helo marka la gaaro doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Labada Gole ee Somaliland ayaa muddo 15 sano ah fadhiya kuraasta kuwaas oo kaliya qofka dhinta uu Kursiga banneeyo halka inta kale aanay gelin wax doorasho ah muddo kororsina sameeyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *