Published: December 8, 2019
Xildhibaan Siraaji

Maxamuud Cabdullahi Shiikh Siraaji oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka digay in doorashada soo socota ay Baarlamaanka ka buuxsamaan Al-shabaab, sidoo kalena xildhibaanno noqdaan.

Xildhibaanka oo ka hadlay Golaha Shacabka gaar ahaanna habka ay noqoneyso doorashada soo socota ayaa sheegay in haddii lagu laabto doorashadii ergooyinka ee dhacday 2016 ay suuragal tahay in la doorto xildhibaanno Al-Shabaab ah, ama ay xildhibaannada doortaan madaxweyne raacsan Al-shabaab.

Maxamuud Cabdullahi Sheekh Siraaji ayaa ka digay in doorashada ergooyinka lagu laabto, waxaana uu soo jeediyay in la qaato doorashada qof iyo cod.

Waxaa uu ku dooday in la beddelo nidaamkii hore isaga oo shaki ka muujiyay ergooyinkii ay u yeereen AL-shabaab oo uu sheegay in qorshaha doorashada qeyb ka noqon karaan Al-shabaab.

Halkan ka daawo .

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *