Askari Si Bareer ah u dilay Haweenay Deyn Ku lahayd oo Dil Lagu Xukumay

Published: December 9, 2019

Maxkamada ciidamada ee dowladda Federaalka ayaa dil ku xukuntay Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar oo loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd,dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23-May sanadkan.

Eedaysane Dable Xoogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar

Eedeysanaha oo muddo baxsad a ahaa ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska  Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo garsuge ahaan.

Xeer ilaalinta maxkamada ciidamada ayaa ugu horreynba u jeedisay eedda loo heysto Cabdullaahi Cali Cumar, waxaana  sidoo kale Maxkamadda  ay dhageysatay  Cadeymaha iyo markaatiyaasha Maxkamadda la hor keenay.

Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, waxa uu Maxkamadda u sheegay in ay Fakad ka gudbiyeen eedeysanah, wixii intaas ka dambeeyane uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa leego oo uu ka geysan jiray dhac sidoo kale maxkamadu waxaa loo sheegay sababta Eedaysanuhu uu u dilay marxuumada ay la xiriirtay deyn ay ku lahady oo ay waydiisatay

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay dhageysatay mid kamid ah dhibanayaasha gaadiidka ee Isticmaala waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxa uu u sheegay Garsoorayaasha in $300  kaga qaatay Isbaara ahaan eedeysanaha Maxkamadda hor taagan,

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumadda Dhibaay Maleele Maxamed.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *