Ciidamo ka tirsan Puntland oo lagu weeraray Magaalada Boosaaso.

Published: December 9, 2019
Sawir Guud: Magaalada Boosaaso.

Sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen ilo ku dhaw taliska ciidamada Booliska Puntland waxaa xalay lagu weeraray Magaalada Boosaaso ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, Rag hubaysan ayaa Ciidamadaan oo saarnaa gaari ku weeraray Aaga Shirkaddo Netco.

Hal Askari ayaa ku dhintay weerarkaan sidoo aklena waxaa ku dhaawacmay askari kale sida la xaqiijiyay, ragii weerarka gaystay ayaana goobta isagga baxsaday. Ciidamada Amaanka ayaana hawlgallo ka sameeyay xaafadaha Magaalada kuwaas oo lagu baarayo raggii geystay weerarkaan.

Horseed Medai, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *