Garowe – Taliyayaal ciidan oo shaqadoodii loo fasaxay.

Published: December 9, 2019

Amar kasoo baxay Taliyaha  Ciidanka Booliiska dowladda Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa shaqadooda looga eryay Taliya Qeybta Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Mu’min Cabdi Shire (Ina-madaxweyne)  iyo Ku xigeenkiisa Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale (Suleembe).

4-tii bishaan December ayuu Gen. Muxiyadiin horay shaqadii uga joojiyay Taliyaha Qaybta Booliiska ee gobolka Nugaal, kadib khilaaf soo kala dhex-galay labada Taliye.

Muxiyadiin, ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar-diiddo uu sheegay in uu sameeyay Col. Mu’min Cabdi Shire, balse ilo’ ka agdhow Jananka ayaa xaqiijiyay in labada Taliye uu khilaaf hoose ka dhex jiray.

Gen. Muxiyadiin ayaa ugu danbayn shaqadii ka eryay Labadan Taliye, balse madax ka tirsan xukuumadda Puntland, ayaa la sheegay in ay markii dambe xalliyeen khilaafkii labada dhinac, islamarkaana Taliyaha Booliiska ku qanciyeen in uu shaqadooda u fasaxo, Taliyaha Qeybta iyo ku xigeenkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *