Golaha Shacabka DFS oo ka doodaya ajande muhiima

Published: December 9, 2019

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah, dhameystirka Ansixinta heshiiska dhaqanka aan muuqan iyo kan dabiiciga ah.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale sii amba qaadaya Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo maalmahaan lahaa fadhiyo is daba joog ah ayaa wado dadaallo lagu meel marinayo Shariciyada muhiimka u ah Qaranimada dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *