Haweenay 34 Jir oo Loo Doortay Ra'isul Wasaaraha Findland

Published: December 9, 2019

Sanna Marin oo ah haweenay 34 Jir ayaa loo doortay inay noqoto Ra;isul wasaaraha cusub ee wadanka Findland, waxayna noqonaysaa ra’isul wasaarihii ugu da’da yaraa ee Soo mara dalkaasi.

Marwo Marin oo ahayd wasiirka gadiidka Findland ayaa ka guulaysatay Ra’isul wasaarihii hore ee dalkaasi Antti Rinne, kaasi oo iscasilay kadib markii uu codka kalsoonida ku waayay sidii uu u maareeyay kacdoon ka dhashay qorshe uu doonayay inuu ku jaro lacagaha ay qaataan 700 shaqaale oo ka shaqeeya Boostada

Ra’isul wasaaraha Cusub oo ka tirsan xisbiga SDP ayaa hoggaaminayso xukuumad Wadaag ah oo ku bahoobeen dhowr Xisbi.

Sanna Marin waxay noqonaysaa hoggaamiyaha ugu da’da yar aduunka, iyadoo Sanad qudha ka weyn madaxweynaha Ukrain Oleksiy Honcharuk oo 35 jir, kaasi oo hore u ahaa hoggaamiyaha ugu da’da yar aduunka

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *